Dibadbax ka dhan ah Farmaajo oo ka socda Muqdisho

Dibadbax ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta ka socda Magaalada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Dibadbax ka dhan ah Farmaajo oo ka socda Muqdisho

Shacab si iskood ah isku soo abaabulay ayaa dibadbax ka dhan ah madaxweyne Farmaajo waxa ay ka dhigayaan nawaaxig Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Nin dhar cad ah islamarkaana wata Bistoolado ayaa isku dayey in uu joojiyo dibadbaxan, isaga oo dadka rasaas ku riday, hase ahaatee waa ay u socon weysay arrintaasi.

Dadkan ayaa wata boorar ay ku qoran yihiin "na dhaaf Farmaajo" iyo erayo kale.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.