Dibadbax rabshado wata oo ka socda Beledweyne

Dibadbaxayaasha ayaa dhagxaan ku tuuraya gaadiidka noocyadiisa kala duwan, sidoo kale waxa ay dhagxeynayan xarumaha ganacsiga.

Warar Keydmedia Online
Dibadbax rabshado wata oo ka socda Beledweyne

Magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan waxaa goor dhow ka bilowda dibadbax xooggan, islamarkaana rabshado wata, xilli ay ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ay howlgallo wadeen.

Wararka ay heshay KON ayaa sheegaya in dadkan ay kasoo horjeedaan maamulka Hirsabelle, waxaana ay ku dhawaaqayaan erayo ka dhan ah maamulkaasi.

Dadkan dhigaya dibadbaxa ayaa dhagxaan ku xiray waddooyinka, sidoo kale waxa ay gubayaan taayaro.

Dibadbaxayaasha ayaa dhagxaan ku tuuraya gaadiidka noocyadiisa kala duwan, sidoo kale waxa ay dhagxeynayan xarumaha ganacsiga.

Rasaas ay ciidanka DFS ku fureen dadkan dhigaya dibadbaxa ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen Labo qof, xaaladuna waxa ay tahay mid aad u kacsan.

Shacabka B/weyne qaarkood ayaa diiddan maamulka uu Farmaajo u dhisay Hirshabelle, kaasi oo ay sheegeen in aanay ku qanacsaneyn sida ay wax u socdaan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.