Digniin loo diray xubnaha Somaliland ku metala DFS

Dhammaan mas'uuliyiinta Xamar ku sugan ee kasoo jeeda Somaliland ayaa la sheegay in ciqaab ay mudan doonaan.

Warar Keydmedia Online
Digniin loo diray xubnaha Somaliland ku metala DFS

Golaha wakiilada ee Somaliland ayaa ka hadlay doorashada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee dhowaan dalka ka dhici doonta, kadib kulan ay ku yeesheen magaalad Hargeysa ee caasimadda maamulkaasi.

Golahan ayaa qoraal ay soo saareen kulankooda kadib waxay ku sheegeen in sharaf dhac weyn ay tahay doorashada xildhibaannada baarlamaanka ee matala Somaliland, taasi oo lagu qabanayo Muqdisho.

Cid walbo oo arrintan ku lug leh, kana soo jeedda Somaliland ayeey sheegeen iney tallaab adag ka qaadi doonaan, sharcigana lala tiigsan doono.

Hoos ka akhtriso qoraalka:

 

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.