Dil salka ku haya aanno qabiil oo ka dhacay Galmudug

Waxaa xalay saqdii dhexe miyiga degmada cabudwaaq lagu dilay nin xoolo dhaqato ah, sababo la xiriira aanno qabiil.

Warar Keydmedia Online
Dil salka ku haya aanno qabiil oo ka dhacay Galmudug

GALGADUUD, Soomaaliya - Dilka ayaa waxaa fuliyey ragg hubeysan, waxana ninka la dilay uu ahaa xoolo dhaqato, isagoo sababsaday colaad la xiriirta aanno qabiil oo in muddo ah soo jiitameysay.

Ninkan ayaa magaciisa lagu soo koobay Juuni, waxana baxsaday raggii dilay, oo ilaa iyo iminka aanan gacanta lagu soo dhigin.

Booliska Galmudug ayaa tagay goobta uu falku ka dhacay, waxana mar ay warbaahinta la hadlayeen sheegeen in ay ku daba jiraan kooxdii dilka gaysatay.

Xiisad colaadeed ayaa saaka ka taagan degmada cabudwaaq iyo goobaha ku hareereysan, waxana cabsi xooggan laga qabaa in dilka ninkan xoola dhaqatada ahaa, uu soo de-dejiyo dagaal beeleed hor leh.

Galmudug ayey mudooyinkii ugu danbeeyey ku soo kordhayeen dilalka la xiriira aannooyinka qabiil, waxana taasi sabab looga dhigaa maamulka meesha ka jira oo aanan caddaalada marsiinin dadka gacan ku dhiiglayaasha ah. Iyadoo inta badan ay dhacdo in la kala qaato diyo u  badan geel, waana tan keeneysa in ay daba dheeraato dirirta.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.