Dil Ganacsade caan ah loogu geystay Beledweyne

Baladweyne (Keydmedia) - Ganacsade caan ah oo lagu Magacaabo Xasan Xaaji Dalabey ayaa Maanta lagu dilay Xaafadda Buundo-weyn ee Magaalada Beledweyne.
Warar Keydmedia Online
Dil Ganacsade caan ah loogu geystay Beledweyne

Marxuumka waxaa dilay mid ka mid ah ciidamada taabacsan dowladda KMG ah ee ku sugan magaalada.

Dilka marxuumka ayaa yimid kaddib markii muran uu dhex maray isaga iyo ciidan baaris ka waday buundada agagaarkeeda.

Marxuumka oo horey ay u soo baareen ciidan ka tirsan kuwa buundada joogay ayaa waxaa istaajiyay ciidan kale oo amar ku bixiyay in la baaro, isagoo diiday in mar kale la baaro, waxaana gacan ka hadal uu dhex maray isaga iyo askari doonayay in uu baaro. Askari kale ayaa rasaas ku furay oo dilay ganacsadaha.

Waxaa sidoo kale la xiray saddex qof oo la sheegay in ay qaraabo ahaayeen ganacsadaha la dilay, kuwaas oo ka fal celiyay dilka loo geystay Dalabey.

Tan iyo markii magaalada Beledweyne lagala wareegay al-Shabaab dabayaaqadii sanadkii 2011, waxaa dhacay dilal badan oo loo geystay Dad rayid ah

Keydmedia.net - Xafiiska Baladweyne