Dil iyo qarax ka dhacay waqooya Galkacyo

GALKACYO(KEYDMEDIA)Waxaa xalay dhanka waqooyi ee magaalada Galkacyo ka dhacay qarax bam oo sababay qasaaro dhaawac ah kaasoo lala beegsaday ciidamada c.raxmaan Faroole.
Warar Keydmedia Online
Dil iyo qarax ka dhacay waqooya Galkacyo
Qaraxa ayaa ka dhacay goob ay ciidanka ku sugnaayeen, waxaana la xaqiijiyay inuu goobta ka baxsaday qofkii falka qaraxa ah fuliyay, sida ay ku warameen dadka deegaanka. Dhanka kale isla magaalada galkacyo ayaa waxaa ka dhacay dil loo geestay qof rayid ah waxaana ilaa iyo hada aan si rasmi ah loo ogeyn cid rasmi ahaan ka danbeysay dilkaasi . Inta badan waqooyga magaalada Galkacyo waxaa mudooyinkii la soo dhaafay ka dhacayay dilal qorsheysan oo aan la aqoon cid geysnaysa. [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url]