Dil ka dhacay Jamaame

Wararka ay keydmedia.net ka heleyso Degmada Jamaame ee Gobalka Jubadda Hoose ayaa sheegay in maamulka ka taliya Gobalada Jubooyinka uu halkaasi ka fuliyay howl gal sababay Dil.
Warar Keydmedia Online
Dil ka dhacay Jamaame

 

Dilka ayaa la sheegay inuu ka dhacay deegaan ku dhaw degmada Jamaame ee Gobalkaasi, iyadoona maamulka oo sheegtay mas'uuliyada dilka ruuxaasi rayidka ah ayaa waxa ay ku doodeen inuu ahaa nin dhibaata ku hayey shacabka deegaankaasi ku nool.

Inta badan howl-galada dhaxalkooda uu noqdo ee ay fuliyaan maamulada ayaa waxa sabab uga dhigaan in ay ku jireen qorshe burcad la dirir ah isla markaana ay sii wadayaan beegsiga waxa ay iyaga u yaqanaan Burcada, inkastoo xiliyada qaar dadka la dilo ay noqdaan shacab aan waxba galabsan.

www.keydmedia.net