Dilal ka dhacay Boosaaso

Dilalka iyo qaraxyada ayaa kusoo kordhaya sanadihii ugu dambeeyay degaanada Puntland, kadib markii ay ku xoogeysteen kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Warar Keydmedia Online
Dilal ka dhacay Boosaaso

BOOSAASO, Soomaaliya - Saraakiisha amniga Boosaaso ayaa sheegay in labo dhalinyaro ah lagu dilay xalay isku dhac u dhaxeeyay labo kooxood oo kamid ah da'yarta degaanka oo mindiyo ku hubeysan.

Dhowr qof ayay Ciidamada amniga u qabteen dilka labada qof, waxaana lagu soo waramayaa in su'aallo lagu waydiinayo saldhigga. Lama oga sababta dilka iyo is-baabulka dhalinyarada isku beegsanaya magaaladda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.