Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Dowladda ayaa Ciidamo dheeraad ah kusoo daadisay Maanta wadooyinka Caasimadda kadib markii qaraxyo iyo dilal dhowr ah ay dhaceen maalmihii lasoo dhaafay.
MUQDISHO, Soomaaliya - Kadib markii illaa shalay 9 qof lagu dilay Muqdisho, waxaa saakay jidadka lagu soo daadiyay Ciidamo baaritaan ku sameynaya gaadiidka gaarka loo leeyahay.
Al-Shabaab ayaa askar iyo Saraakiil Ciidan ku dishay weeraro qaraxyo ah iyo dilal qorsheysan oo ay ka fulisay Caasimadda 48 saac ee ugu dambeysay, iyadoo tani ay muujinayso fashil amni iyo waxqabad la'aan dowladda Farmaajo.
Dilalka waxay ka dhaceen Wadajir, Hodon iyo Kaaraan, iyadoo uu jiray qarax miino oo shalay 4 askari lagu dilay, labo Xildhibaano hore lagu dhaawacay.
Saakay waxaa degmada Wardhigleey laga helay meydadka labo dhalinyaro ah oo jirkooda ka muuqday rasaastii lagu dilay, iyadoo aan la ogeyn cida dishay iyo sababta loo beegsaday.
Dhacdooyinka amni darro ayaa keenay in Wadooyinka Maanta Ciidamo lasoo dhigo, waxaana jirta cabsi xoog leh oo shacabka ay qabaan maadaama nabad-gelyo xumada sii kordhayso.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments