Dilal kala duwan oo ka kala dhacay magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay falal isku mida oo lagu bar-tilmaameedsanayay shakhsiyaad, waxaana siyaabo kala duwan loo dilay laba ruux.

Warar Keydmedia Online
Dilal kala duwan oo ka kala dhacay magaalada Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Amniga magaalada Muqdisho oo baryihii u dambeeyay iska xumaa ayaa waxaa ka dhacay falal amni darro oo lagu toogtay laba ruux oo siyaabo kala duwan loogu geystay degmooyinka Dayniile iyo Wadajir.

Nin ka tirsanaa Nabad-doonadii wax kasoo xulay Ergadii soo dooratay xubnaha baarlamanka ee hadda jooga ayaa lagu dilay degmada Dayniile, Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Macalin Cabdi Siyaad Geedi, horay waxaa loo dilay tiro Nabad-doonno ah iyo sidoo kale Eragii soo dooratay baarlamanka 9-aad ee waqtigiisu dhammaadka yahay.

Marxuumka labaad ee isna la dilay waxay dabley hubaysani ku dileen Xaafadda Nasteexo ee degmada Wadajir, sida aanu ka helnay ilo xog ogaal ah marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Ganey, waxa uu kamid ahaa dadka deegaanka, wuxuuna ahaa nin dhallinyaro ah oo ku sugan xaafaddiisa gacantana ku haystay Mobile -ka gacanta, kooxda hubeysan ayaa doonaysay in ay ka qaataan Mobile ka, hayeeshee markii uu ka dhago-adeegay ayey rasaas huwiyeem isala goobtii ayuuna ku geeriyooday.

Waxaa goobta ka baxsaday kooxihii geystay falalkan lagu dilay Nabad-doonka iyo wiilka Dhallinyarada ah, ciidamada Booliska oo goor dambe gaaray goobta uu falku ka dhacay ayaa waxay ka qaadeen meydkii marxuumka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 3 August 2021 11:58

Waxaa la rumeysan yahay in Jibriil Saciid Cali Xuseen, ay gacantiisa ku maqan yihiin dad kale oo ajaaniib ah, kuwaas oo badankood la khaarijiyay kadib markii la isku fahmi waayay lacagihii ay Al-Shabaab u codsadeen madax-furashada.