Dilal qorsheysan oo ka dhacay Muqdisho

Waxaa xalay iyo saakay ka dhacay magaalada Muqdisho dilal qorsheysan oo loo geystay mas'uuliyiin ka tirsan laba dagmo oo kamida kuwa gobolka Benaadir

Warar Keydmedia Online
Dilal qorsheysan oo ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay dilal qorsheysan oo loo geystay qaar kamida mas'uuliyiin ka tirsan maamullada laba dagmo oo kamida kuwa gobolka Benaadir.

Dabley hubeysan ayaa saakay meel u dhaw guriga guddoomiyaha degmada Kaaraan ee Gobolka Benaadir ku dilay haweeney la sheegay inay la shaqeyneysay Maamulka degmadaas. Rag ku hubeysan biskoolado ayaa la sheegay inay dileen haweeneyda oo lagu magacaabi jiray Suldaano, kana tirsaneyd  guddiga khilaafaadka maxkamadda degmaa Kaaraan. Kooxdiii falka geysatay ayaa goobta isaga baxsatay.

Ciidamada booliska ayaa gaaray goobta uu falku ka dhacay oo ahayd dukaan dhexdiis, halkaasoo ay ugu soo galeen laba wiil oo dhallinyaro ah kuwaasoo markii ay dileen isaga cararay goobta, mana jirto ilaa iyo hadda cid ka hadashay weerarka lagu dilay mid kamida shaqaalaha degmada Kaaraan.

Sidoo kale xalay ayaa fal khaarajin ah oo isna u ekaa mid qorsheysan ayaa lagu dilay mid kamida guddoomiya yaasha waaxaha degmada Dayniile, guddoomiyihii waaxda Kurdamac ee degmada Dayniile oo lagu magacaabi jray Cabdi Cabdulle Cismaan (Cabdi Juge) ayey koox hubeysani ku dileen meel udhaw aargada degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho,

Goobta lagu dilay guddoomiyaha waxaa ku dhawaa ciidamada ammaanka ee ku sugan koontaroolka kulliyadda jaalla-siyaad iyo sidoo kale aargada hoosteeda, waxaana lagu guuleystay raggii falkan geystay mid kamida in gacanta lagu soo dhigo kaddib markii uu dhaawac kasoo gaaray rasaas ay ku fureen ciidamadii ilaalada ee ku sugnaa koontaroolkaasi.

Dilalka nuucan oo kale ah ayaa kusoo badanaya magaalada Muqdisho, waxaana sabab u ah ayaa la leeyahay xilligan oo aad loogu mashquulsan yahay arrimaha doorashooyinka, mar waliba oo lagu sii dhawaado doorashooyinka waxaa soo bata falalka khaarajinta ah ee loo geysto qaar kamida shaqaalaha iyo mas'uuliyiinta dowladda, maadaama xilli doorasho lagu guda jiro culeyska ugu badan waxay ciidamadu saaraan arrimaha doorashooyinka, iyagoo hilmaama amnigii gudaha.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.