Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Waxaa Xalay Xaafadda Fii-Afmadow ay Ciidamada Raaskamabooni ku toogteen nin la sheegay in uu ka shaqeynayay Baabuurta dhuxusha qaadda ee gudaha Magaaladaasi.
Ciidamada ayaa la tilmaamay in Ninkaasi ay in muddo ah haysteen, islamarkaana ay waydiinayeen su’aalo hase ahaatee markii dambe ay toogteen.
Dhinaca kale, Sida Wararku sheegayaan waxaa Xaafadda Calan-Caley Xalay lagu toogtay Haween kadib markii Kufsi loo geestay.
Kadib markii Ciidamada Dowladda Haweenayda ay ku wargaliyeen inay istaagto, hase ahaatee ay maqli waysay, maadaama ay aheyd qof dhagaha la’a, ayee Ciidamada ka shakiyeen kadibnah ku toogteen Goobtaasi.
Dilalka ka socda Kismaayo ayaa Maalmahaan soo badanaya.
Keydmedia Online - Xafiiska Kismaayo
Add comment
Comments