Diyaar garowga xuska 26-ka Juun

Diyaar garow aad u heer sarreeya ayaa loogu jiraa xuska sanad guurada 61aad ee ka soo wareegatay xilligii ay xornimada qaateen gobollada Waqooyi ee dalka, taas oo ay saacado ka harsan yihiin.

Warar Keydmedia Online
Diyaar garowga xuska 26-ka Juun

MUQDISHO, Soomaaliya - Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobolada dalka, ayaa si weyn looga dareemayaa u diyaar garoowga munasabadda 26-ka Juun, oo beegayn xilligii ay gobollada waqooyi ee Soomaaliya ka xoroobeen gumeystihii Ingiriiska 1960.

Dhalinyaro ku labisan dhar loo ekeysiiyay Calanka dalka, ayaa lagu arkayaa, goobaha la isku yimaado ee Caasimadda, sida Daljirka Dhahsoon, Xeebta Liito iyo goobo kale.

Inta badan xarumaha ganacsi ee ku yaalla waddooyinka waaweyn ee magaalada ayaa lagu xardhay Calanka waxaana darbiyada lagu buufiyay kallar bullug ah si loogu ekeysiiyo calanka.

Caawa marka ay saacaddu soo dul istaagto, 12:00AM, ayaa la saari doonaa calanka, si loo weneeyo maalinta xoriyadda goboolada Waqooyi, loona xasuusto farxaddii kifaaxa ee Lixdan iyo kow sano ka hor.

Waddanka oo dhan, wuxuu ku jiraa, u diyaargarowgii ugu dambeeyay ee lagu maamuusayo todobaadka xoriyadda, kaas oo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-Garsiinta Maxamed Xuseen Rooble, uu u magacaabay qaban qaabadooda Guddi Wasiiro ah.

Kowda Luuliyo, ayaa Iyana foodda inagu soo heysa, taas oo ku beegan xilligii ay gobollada Koofureed ee dalka xurnimada ka qaateen Talyaaniga, isla-marakaana ay midoobeen Koofur iyo Waqooyi.

Keydmedia Online waxa ay todobaadkaan baahin doontaa warbixinno la xariira todobaadka xoriyadda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.