Diyaarad ku dhacday Baardheere

Diyaaradda oo nooceedu yahay Fokker 50, kuna diiwaangashan number-ka 5Y WFC waxay soo gaarey burbur kadib markii xabadka ay ku degtay Garoonka magaaladda Baardheere.

Warar Keydmedia Online
Diyaarad ku dhacday Baardheere

BAARDHEERE, Soomaaliya - Wararka laga helayo Baardheere ee gobolka Gedo, ayaa sheegaya in halkaasi ay maanta ku burburtay diyaarad yar, oo ka diiwaangashan wadanka Kenya.

Diyaaradda oo nooceeda yahay Fokker 50, kuna diiwaanshan lambarka 5Y WFC ayaa waxaa iska leh Shirkadda Buff Air Services ee fadhigeedu yahay dalka Kenya. 

Sawirro laga soo qaadey goobta ayaa muujinaya diyaaradda oo xabadka dhulka dhigatay, islamarkaana qeybo kamid ah garbaheeda uu burburay, waxaana la ogeyn khasaaraha ka dhashay shilka oo soo gaarey shacabkii ay waday.

Lama oga sababta diyaaradda ku khasabtay inay xabadka ku degto.

Bishii May, ee sanadkan 2010, diyaarad yar oo ay lahayd Shirkadda African Express ayaa lagu soo riday meel ku dhaw Garoonka Berdaale ee gobolka Baay.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 14 September 2020 23:49

    Keydmedia Online ayaa waxaa soo gaartay nuxurka Shirka Muqdisho ee Dowladda Federaalka iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo goor dhawayd lagu soo kala dareeray maalinkii Labaad.