Diyaarad ku dhacday Garoonka magaaladda Beledweyne

AMISOM ayaa saldhigyo ku leh gobolka Hiiraan, oo ay joogaan Ciidamo u dhashay dalka Jabuuti, oo halkaasi mudo kula dagaalamayay Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online
Diyaarad ku dhacday Garoonka magaaladda Beledweyne

BELEDWEYNE, Soomaaliya - War hadda nasoo gaarey ayaa sheegaya in diyaarad xamuul ah, oo u kireysan AMISOM ay ku burburtay goordhaw Garoonka magaaladda Beledweyn, ee xarunta gobolka Hiiraan.

Diyaaradda waxay ka timid dhinaca wadanka Jabuuti. Lama oga wali khasaaraha ka dhashay diyaaradda ku dhacday Beledweyne. 

AMISOM waxaa la filayaa inay ka hadasho shilka dhawaan.

Warar dheeraad ah, kala soco KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.