Diyaarad Militeri oo ku dhacday Ceel-Waaq

Celwaaq (KON) - Diyaarad militeri oo laga leeyahay Dalka Kenya ayaa la sheegay in ay Caawa ku dhacday Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo.
Warar Keydmedia Online
Diyaarad Militeri oo ku dhacday Ceel-Waaq

Wariye Goobjoog ah ayaa Keydmedia Online u sheegay in Diyaarad Militeri ay Caawaku dhacday Magaalada Ceel-waaq oo ku taalla Xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa Xaqiijisay Warkaani, inkastoo aan wali laga heynin Faah-Faahin.

Diyaaraddaan oo ay la socdeen 17 Askari oo Kenyaan ah ayaa la sheegay in ay ku dhacday tuula ku taala Degmada, waxeyna Wararka hordhaca ah sheegayaan in 1 Askari uu ku dhintay, waxaana jira Warar sheegaya in ugu yaraan 6 Askari ay ku Geeriyoodeen.

Faafaahin dheeri ah wali lagama hayo, mana cada khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay shilkaani.

Faah-Faahin fillo Bari Subax

Keydmedia Online - Xafiiska Nairobi