Diyaaradaha Kenya oo duqeyn ka fuliyey Gedo

Duqeymahan ayaa ah kuwo ay Kenya mar walbo la beegsato dad shacab ah.

Warar Keydmedia Online
Diyaaradaha Kenya oo duqeyn ka fuliyey Gedo

Diyaaradaha dagaalka ee Kenya ayaa lagu soo waramayaa in ay maanta duqeyn ka geysteen deegaanno hoostaga degmda B/xaawo ee gobolka Gedo waxaana duqeyntan ay waxyeello kAsoo gaartay dad shacab ah.

Deegaannada ay diyaaradahan duqeynta ka fuliyeen ayaa kala ah Baliga Harakoobe. Yaaqle, Qabri-xaaji & Baliga Dhadhaable, kuwaa oo hoostaga degmada B/xaawo ee gobolka Gedo.

Inta hadda la xaqiijiyey waxaa duqeyntan ku dhintay Hal qof, waxaana ku dhaawacmay Afar kale, sida ay Keydmedia Online u sheegeen dadka deegaanka, waxaana dadka waxyeellada soo gaartay ay dhammaatood yihiin xoolo dhaqato.

Deegaannada ay diyaaradahan duqeynta la eegteen ayaa la xaqiijiyey in aanay ku sugneyn Al-shabaab, iyadoo taasi ay muujineyso in Kenya ay shacabka bartilmaameedsaneyo.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa illaa iyo haatan waxbo ka qaban dhibka ay Kenya ka waddo gobolka Gedo, iyadoo ciidankeeda ay marar badan si arxan darro ah u dileen dad shacab ah.

 

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.