Diyaaradaha Mareekanka oo Maanta dul heehaabaya Kismaayo

Kismaayo (Keydmedia) - Ilaa labo Diyaaradood oo kuwa wax basaasa ah ee aan duuliyaha lahayn oo la rumeysanyahay in Mareekanku uu leeyahay ayaa waxaa ay sacadihii ugu dambeeyay ay dul heehaabayeen hawada Magaalada Kismaayo.
Warar Keydmedia Online
Diyaaradaha Mareekanka oo Maanta dul heehaabaya Kismaayo

Diyaaradahaasi ayaa khal khal dhanka amaanka ah ku abuureen Horjoogayaashii ajaanibta ee kooxda Shabaab ee Kismaayo ku suggan.

Meelaha ay sida gaarka ah ay diyaaraduhu ku dul wareegayaan ayaa waxaa kamid ah xaafada Guul-wade oo ay horjoogayaasha ajaanibta ah ay ku badanyihiin, Dekadda, Airport-ka iyo qeybo kale oo Kismaayo ka tirsan.

Magaalada Kismaayo hadda ka hor ayay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ka fuliyeen howlgalo ay ku beegsanayaan horjoogayaasha ajaanibta ah ee dalka ku soo xadgudbay ee Shabaabka.

Wixii ku soo kordha kala soco Keydmedia.net

Keydmedia.net - Xafiiska, Kismaayo