Diyaarado hub badan sida oo ka degay Gedo

Farmaajo ayaa doonaya in dalka uu ka tago markii uu dagaal sokeeye abuuro.

Warar Keydmedia Online
Diyaarado hub badan sida oo ka degay Gedo

Macluumaad ay heshay Keydmedia Online ayaa waxay sheegayaan in Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo uu abaabul dagaal ka wado gobolka Gedo, waxaana Saddexdii maalin ee lasoo dhaafay ka degay gobolkaasi diyaarado hub sida.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa KON u sheegay in diyaaradahan ay ka duuleen magaalada Muqdisho, waxaana lagu qaaday hub u badan rasaas iyo qoryaha fud-fudud ee lagu dagaallamo.

Hubkan ayaa loo wadaa ciidamada DFS ee halkaasi ku sugan iyo sidoo kale kuwo qaab beel ahaan loo soo uruuriyey, wuxuuna ulajeedka yahay in lagu weeraro ciidamada Jubbaland.

Farmaajo oo xeelad walbo uga adkaan waayey Axmed Madoobe ayaa go'aan ku gaaray inuu dagaal ka bilaabo gobolkaasi, waxaana uu faray saraakiisha ciidanka halkaasi ku sugan in cagta la mariyo cid walbo oo isku dayda iney difaacdo Axmed Madoobe.

Farmaajo ayaa tan iyo markii uu qabtay xilka madaxweyne waxa uu ka shaqeynayey abaabulka colaad sokeeye, sidoo kalena wuxuu aad u hubeeyey beesha uu kasoo jeedo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.