Diyaarado Dagaal oo Garoonka Diyaaradaha Kismaayo Duqeeyeen!

Kismaayo (Keydmedia) - Diyaarad Dagaal oo aan ilaa iyo hadda aan la aqoonsanin Wadanka laga leeyahay ayaa Daqiiqado kahor dhowr Gantaal oo waaweyn ku garaacday Garoonka Diyaaradaha magaalada Kismaayo.
Warar Keydmedia Online
Diyaarado Dagaal oo Garoonka Diyaaradaha Kismaayo Duqeeyeen!

Diyaaradani oo markii hore ka soo duushay Markab dagaal oo kulaala nawaaxiga Xeebaha Kismaayo ayaa ka hor intii aysan duqeynin Garoonka waxaa ay dhowr mar dul martay hawada Garoonka.

Garoonka magaalada Kismaayo waxaa uu fariisin u yahay horjoogayaal ajaanib ah oo ka tirsan Maleeshiyaadka Shabaabka, waxaana wararka ugu badan ay sheegayaan in diyaaradu ay bartilmaansatay  horjoogayaal ajaaniba ah.

Lama ogaan karo khadaaraha ka dhashay duqeynta ay diyaaradaan saaka ka geysatay Garoonka Kismaayo maadaama Garoonku ay xoogg ku haystaan ragg ajaanib ah oo aan Soomaali u dhalanin.

Warbaahinta Keydmedia ayaa hadda ku howlan baaritaan la xariira Khasaaraha ka dhashay duqeyntaan.

Kala soco www.keydmedia.net

Keydmedia.net - Xafiiska, Kismaayo