Diyaarado Duqeeyey Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe

Jilib(KON)-Labo Diyaaradood oo Dowladda Kenya ay leedahay ayaa Galabta Duqeeyey Fariisimo Al-shabaab ay ku leeyihiin Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.
Warar Keydmedia Online
Diyaarado Duqeeyey Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe

Wararka ayaa sheegaya in Diyaaraduhu ay Duqeeyeen Deegaan Duleedka ka ah Degmada Jilib oo lagu Magacaabo Caasho Neero,kaas oo Al-shabaab ay ku leeyihiin Kontorool Gaadiidka lagu baaro.

Goobjooge ku sugan Degmada Jilib ayaa Keydmedia online u sheegay in ugu yaraan Sideed Qof oo Shacab ah ay ku dhaawacmeen Duqeeynta Diyaaradaha Ciidamada Kenya oo Afar ka mid ah ay Caruur yihiin.

Warka ayaa intaa ku daraya in Maleeshiyada Al-shabaab ay Diyaaradaha ku Rideen Qorika Lidka Diyaaradaha ee Suuga loo yaqaano.

Lama oga ilaa hada Khasaaraha Gaaray Maleeshiyada Kooxda Al-shabaab ee Diyaaraduhu ay Duqeeyen galinkii danbe ee maanta.

Diyaaradaha Ciidamada Kenya ayaa Dhowr jeer Duqeyn ka geeystay Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe,kuwaas oo sheegay in ay Beegsanayaan Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab.

Keydmedia online – Xafiiska Muqdisho