Doolow oo Bandow lagu soo rogay

Wararka ay Keydmedia.net ka heleyso Degmada Doolow - Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaasi bandow ay ku soo rogeen Ciidamada Ahlu-suna iyo kuwa Dowlada oo is kaashanaya.
Warar Keydmedia Online
Doolow oo Bandow lagu soo rogay

Arintan ayaa ka danbeysay kadib markii horaantii todobaadkan gudaha Degmadaasi lagu arkay miino dhulka lagu aasay taa oo ay ciidamada markii ay ogaadeen ay soo saareen.

Afhayeenka labada ciidan oo sxaafada la hadlay ayaa sheegay in u jeedka Bandowga xiliga Habeenkii ah loogu soo rogay degmadaasi ay tahay sidii loo sugi lahaa amaanka isla markaana kala danbeynta loo soo celin lahaa.

Bandowgan ayaa galay habeenkii 3-aad waxaan uu saameeyay dhamaan adeegyadii bulshada sida ganacsiga iyo isu socodka dadka xiliga habeenkii.

www.keymedia.net




Warar 19 January 2022 16:49

Wasiir ka tirsan Xukuumadda Xil-gaarsiinta ee masuulka ka ah hirgalinta hannaanka doorashooyinka dadban, ayaa qeylo-dhaan ka muujiyay habka loo maamulay mid ka mid ah kuraasta Aqalka hoose ee taalla Puntland.