Doon ku Rogmatay Jowhar - Dad ku dhintay

Jowhar (KON) - Doon ay saarnaayeen Dad Shacab ah ayaa ku Qalibantay Tuulada Dhulgawaan ee Gobolka Shabellaha Dhexe, halkaa oo ay ka dhalatay Dhimasho iyo Dhaawac.
Warar Keydmedia Online
Doon ku Rogmatay Jowhar - Dad ku dhintay

Doonta ayaa waxaa lasocday 10-Ruux oo ka tagay Magaalada Jowhar islamarkaana doonayey in ay Wabiga Doon oga gudbaan, maadaama uu Wabiga Fatahaad ka sameeyey Gobolka Sh/dhexe.

Labo kamid ah Rakaabii Saarnaa Doonta ayaa Geeriyooday, waxaana ku dhaawacmay Saddex kale.

Warka ayaa intaa ku daraya in sidoo kale la la yahay Tiro Dad ah oo la socday Doonta ku Rogmatay Duleedka Magaalada Jowhar.

Rogmashada Doonta ayaa loo sababeenayaa Fatahaada Wabiga Shabelle uu ka sameeyey Gobolka,taas oo keentay in ay qalibanto Doonta.

Keydmedia online - Xafiiska Muqdisho