Dooni u rarneeyd Soomaali oo ku Degtay Badda Cas

Muqdisho (KON) - Ganacsato Somaliyeed Dooni u Kireysneeyd oo Xoolo Nool siday kuna sii jeeday dhinaca Dalka Yemen ayey waxay ku degtay Badda u dhaxeeya Yaman Iyo Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online
Dooni u rarneeyd Soomaali oo ku Degtay Badda Cas

Doontu waxay ka Shiraacatay Dekeda Magaalada Berbera waxayna ku sii jeeday Xeebta Muqawa ee Dalka Yemen. Doontu waxaay sidday Xoolo Ari u badan oo logu talagalay Ciida Barakeysan.

Tirada Xoolaha ay Doontu siday ayaa la sheegay in ayahayeen 1454 Neef oo Lo’ ah, 1300 Neef oo Ari ah. Waxaa kaloo Doonta saarnaa Rakaab Soomaali ah.Waxaa kalo jira in ay Khatarta Badu badantahay Xiliyada Bad Xiranka oo ay haboontahay in laga fiirsado Safarka Doonyaha aan wajihi karin Mawjaddaha Monsooniga.

Keydmedia.net