Doorashada 2021: Qatar iyo Imaaraadka oo loolan adag ku jira

Dowladaha Qatar iyo Imaaraadka ayaa markaan waxaa dhex-maraya loolankii ugu xooganaa, iyagoo Malaayiin doolar ku bixin doona doorashada Soomaaliya ee 2021.

Warar Keydmedia Online
Doorashada 2021: Qatar iyo Imaaraadka oo loolan adag ku jira

Soomaaliya ayaa wajahaysa sanadka 2021 doorasho dadban, maadaama hoggaanka hadda dalka maamulka ku fashilmeen in la qabto doorasho qof iyo cod ah.

Hadaba waxaa jira dalal aad ugu loolama doorashada Soomaaliya, kuwaasi oo xilli doorasheed walba sidan oo kale ugu loolama hoggaanka dalka iyo cidda noqon lahayd.

Dowladaha Qatar iyo Imaaraadka ayaa markaan waxaa dhex-maraya loolankii ugu xooganaa, iyagoo Malaayiin Doollar ku bixin doona doorashada 2021.

Qatar oo maamulaneysay dalka Afartii Sano ee lasoo dhaafay, ayaa markaan la kulmeysa loolan adag, iyadoo Imaaraadka ay maalgalineyso Mucaarad badan. 

Imaaraadka

Dowladda Imaaraadka carabta ayaa markaan gadaal kasoo riixeysa ugu yaraan Shan Musharrax oo ah kuwa ugu cad cad siyaasadda Soomaaliya, kuwaasi oo ay ku bixineyso lacag badan si midkood un xilka u helo.

Imaaraadka ayaa markii uu ku fasilmay doorashadii 2017 oo ay Hal Musharax xoogga saareyn ayaa hadda waxay doonayaan iney maalgeliyaan musharraxiin badan, si aanay dhanna wax u dhaafin.

Sidoo kale, waxay markaan keensadeen musharraxiin kale oo ku cusub siyaasadda dalka, maadaama Soomaalida lagu yaqaan inaanay doorasn shaqsi horey loo doortay.

Waxay aad ugu hamminayaan in Afarta Sano ee soo aaddan ay iyagu noqdaan kuwo maamulaya Villa Somalia, sida ay horeyba u dhacday.

Qatar

Dowladda waxay nasiib u yeelatay in Afar Sano warkeeda uu ka socdo Villa Somalia, sababtoo ah waxaa halkaasi u jooga Fahad Yaasiin oo ah shaqsiga waxa uu doono ka yeesho dowladda.

Fahad ayaa bixiya ammaro uusan bixin karin Madaxweynaha, Farmaajo tallaabo ma qaadi karo haddii uusan ammar ka haysan Fahad Yaasiin.

Dowladda Qatar musharraxiinteedu ma badna sida dowladda Imaaraadka oo kale, waxaana ay wadataa Farmaajo oo hadda xilka haya, wallow laga yaabo in Musharrax kale ay liiska kusoo darsato.

Siyaasiyiinta Soomaaliya oo aan xilka u qaban iney bulshada wax u qabtaan ayaa danahooda fushsada, waana sababta keentay in dalal shisheeye ay dalka u tartamaan.

Dowlahadan qarashaadka ku bixinaaya musharraxiinta danta ay leeyihiin ayaa ah in dalka waxa ay doonaan ka fushadaan, sidoo kalena ay inoo yeeriyaan wax walbo oo ay doonayaan.

Keydmedia Online ayaa barnaamijyo ka diyaarineysa Musharaxiinta ay maalgaliso Imaraadka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.