Doorashadda Golaha Shacabka

News Keydmedia Online

Dib u dhaca dhowr saacadood ah kadib, ugu danbeyn Doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Hoose ayaa ka billaabatay Teendhada Afisyooni.

Doorashadda Golaha Shacabka
PINNED

Dib u dhaca dhowr saacadood ah kadib, ugu danbeyn Doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Hoose ayaa ka billaabatay Teendhada Afisyooni.

TOOS - KEYDMEDIA ONLINE

April 28, 2022 - 2:55:00
MUQDISHO- Keydmedia Online

Habeen wanaagsan 

Tebinta Tooska ee Doorashada Golaha Shacabka meeshaan ayee noogu dhamaatay, xiligu waa 3am oo subaxnimo. 

April 28, 2022 - 2:24:00
MUQDISHO- Keydmedia Online

Aadan Madoobe oo la doortay

Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee JFS, kadib markii uu wareegii ugu danbeeyay  kaga adkaaday Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur.

Dabbaal degyo, waaweyn ayaa ka billowday Caasimadda, taasoo muujineysa in bulshadu aad u daneyneyso is-baddel iyo in meesha laga saaro kooxda waqtigu ka dhmaaday ee Fahad iyo Farmaajo hoggaanka u yihiin.

April 28, 2022 - 1:55:00
MUQDISHO- Keydmedia Online

Tirinta Codadka wareegga 3-aad

Waxaa soo gabagabowday codeynta Doorahada Wareegga Saddexaad ee tantanta Guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana hadda socota tirinta Cododka, daqiiqado kooban ayaana ka dhiman in Golaha shacabku yeesho Guddoomiye.

April 28, 2022 - 1:20:00
MUQDISHO- Keydmedia Online

Badbaadada dalka

“Aan is weydiinnee dalkeennu maanta muxuu ku sugan yahay?, inta taladu gacanteenna ku jirto, aan dalka badbaadinno, oo aan is-baddel ku badbaadinno,  waa nagu filan tahay shan sano oo tiih ah, iska daba-wareeg kale, tamar uma heyno, dalkaan dib u heshiisiin ayuu u baahan yahay ee anaa kaa adag uma baahna, waxaan codsanayaa in is-baddelka loo hiilliyo, saaxabada i doortay codka u wareejiya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe”, ayuu yiri Xildhibaan Cabdullaahi Aadan Axmed Black, oo ka tanaaulay tartanka.

April 28, 2022 - 1:07:00
MUQDISHO- Keydmedia Online

Is-baddel

“Dalkaan intii uu dhibaato soo maray waad og tihiin, maanta gurigeyga waxaan ka soo baxay Sagaalkii subaxnimo, waxaan goobtaan imid Saddexdii galabnimo, sida naloo galay waad arkeysaan, dhibaatada waad arkaysaan, waxaan idin ka codsanayaa in aan dalka badbaadinno, badbaadada dalku waxa ay ku jirtaa Is-baddel, waxaan qabaa in danta dalku ku jirto Sheekh Aadan Madoobe”. Waxaan sidaan cod dheer ku yiri Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur Soronsoor, oo ka tanaasulay tartanka.

April 28, 2022 - 12:46:00
MUQDISHO- Keydmedia Online

Duufaanta Farmaajo diidka

Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur Soronsoor, iyo Xildhibaan Cabdullaahi Aadan Axmed Black, ayaa si layaab leh, u dhaliilay nidaamka Farmaajo, intii ay ku guda jireen hadal jeedintoodii ay uga tanaasulayeen doorashada wareegga labaad.

Labada Xildhibaan oo isku dar la yimid 56 cod, ayaa si aan gambasho lahayn u sheegay in dalku u baahan yahay is baddel, waxayna Xildhibaannada cododka siiyay ugu baaqeen in ay codkooda u wareejiyaan Sheekh Aadan Madoobe.

Musharrax Xasan Cabdi Nuur oo wareegga labaad kula tartamaya Aadan Madoobe, waxaa garab taagan Farmaajo iyo Laftagareen, halka Adan Madoobe, ay si buuxa u garab taagan yihiin Midowga Musharixiinta, iyo qaar ka mid ah madaxda maamullada.

Sida la saadaalinayo Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa ku guuleysan kara Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, maadaama ay socoto duufaanta Farmaajo diidka oo uusan jirin musharrax Farmaajo wato oo sanadkaan tartan uu galay ku guuleystay.

April 28, 2022 - 12:33:00
MUQDISHO- Keydmedia Online

Codeynta Wareegga 2-aad

Codeynta Xildhibaannada ee wareegga 2-aad ee doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa billabatay, waxaana isku soo haray afar musharrax oo kala ah; Xasan Cabdi Nuur iyo Sheekh Aadan Madoobe, Cabdullaahi Aadan Black iyo Aadan Maxamed Soronsoor.

Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur Soronsoor, oo la yimid 23 cod iyo Xildhibaan Cabdullaahi Aadan Axmed Black, oo helay 33 cod, ayaa ku dhawaaqay in ay isaga hareen tartanka, waxayna si cad u sheegeen in dalku u baahan yahay is baddel.  

Wareegga 1-aad ee baratanka waxaa ku haray, Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig, Xildhibaan Saadaq Cabdullaahi Cabdi iyo Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla.

Tallaabadaan, ayaa ka dhigan in laga gudbay wareeggii labaad, loona tallaabay wareeggii saddexaad, waxaana ka baratami doona Xasan Cabdi Nuur iyo Sheekh Aadan Madoobe.

April 28, 2022 - 12:05:00
MUQDISHO- Keydmedia Online

Natiijada Wareegga 1-aad

Tirinta codadka wareegga 1-aad ee doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka, ayaa soo idlaatay, waxayna musharrixiintu codadka u kala heleen sidan;

Xil. Cabdirashiid Maxamed Xidig 6 cod

Xil. Cabdullaahi Aadan Axmed Black, 33 cod

Xil. Aadan Maxamed Nuur Soronsoor, 23 cod

Xil. Xasan Cabdi Nuur, 98 cod

Xil. Saadaq Cabdullaahi Cabdi 5 cod

Xil. Shariif Maxamed Cabdalla, 13 cod

Xil. Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, 74

Natiijadaan ayaa ka dhigan in ay wareegga labaad u gudbayaan afarta musharrax ee ugu cododka badan, kuwaas oo kala ah, Xasan Cabdi Nuur, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, Cabdullaahi Aadan Axmed Black iyo Aadan Maxamed Nuur Soronsoor, haddii uusan tanaasul imaan.

April 27, 2022 - 11:30:00
MUQDISHO- Keydmedia Online

Xasuusin

Wareega labaad waxaa ka qeyb galaya afarta murashax ee hela tirada Codadka ugu badan ee wareegga koowaad. Haddii ay jiraan murashaxiin helay cod is la eg oo barbar- dhac ah, waa kawada qayb galayaan wareega labaad, oo tirada tartamayaasha ayaa kordhaysa.

Tartamaha  ku guulaysta codadka aqlabiyadda tirada guud ee xubnha Golaha Shacabka ayaa ku guuleyssanaaya doorashada sida ku xusan qodobka 65aad faqradiisa 4aad ee dastuurka. Haddii la waayo waxaa loo gudbayaa wareega seddexaad.

Haddii ay dhacdo in wareega 1-aad ka dib ay isku soo haraan labo murashax oo kaliya, sababtuna ay tahay tanaasul ay ka tanaasuleen tartanka musharaxiinta kale, waxaa si toos ah loogu gudbayaa wareega 3-aad waxaana markaa meesha ka baxay wereegii 2-aad.

Labada murashax ee isku soo haray waxay ku kala guuleysanayaan cod hal dheeri ah ee tirada xubnaha codeeyay. Markey codeyntu dhamaato wuxuu Guddoomiyaha KMG furayaa sanaadiiqda Codeynta, waxaana la tirinayaa codadka, ka dibna waxaa Guddoomiyaha KMG ku dhawaaqayaa ciddii ku guuleysatay jagada Guddoomiyaha Golaha.

April 27, 2022 - 11:14:00
MUQDISHO- Keydmedia Online

Tirinta Cododka

Waxaa soo gabagabowday codeynta xildhibaannada ee xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana hadda socota tirinta cododka, Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ugu cadcad musharixiinta u gudbaya wareegga labaad.

April 27, 2022 - 10:58:00
MUQDISHO- Keydmedia Online

Jeneraal Cabdalla Cabdalla

Taliye ku xigeynkii hore ee NISA, Jeneraal Cabdalla Cabdalla, ayaa doorashada Guddoonka Golaha Shacabka, ku tilmaamay guul u soo hoyatay umadda Soomaaliyeed, kadib shan sano, oo xiisado siyaasadeed iyo xasarado waaweyn ah.

“Caawa waxaa guulaystay dhammaan umadda Somaliyed ee shanta sano halganka ugu jirtay in laga gudbo hubanti la’aanta siyaasadeed ee Farmajo dalka u horseeday, guul ayaan u rajaynayaa dhammaan hogaanka cusub ee dalka”. Ayuu yiri jen; Cabdalla.

April 27, 2022 - 10:34:00
MUQDISHO- Keydmedia Online

Codeynta

Codeynta Xildhibaannada ee kursiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka, ayaa socota, waxaana wareegga labaad u gudbi doona, afar musharrax, haddii uusan Musharrax helin 50+1 oo ah 139, tiradaas oo ah cod dheeri.

Wareega 1-aad, murashaxii hela codadka aqlabiyadda tirada guud xubnha Golaha, ayaa ku guuleysanaaya doorashada sida ku xusan qodbobka 65-aad faqradiisa 4-aad ee Dastuurka. Haddii la waayo murashax hela tiradaas waxaa loo gudbayaa wareega labaad.

Sida uu qorayo Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, doorashada Guddoonku waxay noqonaysaa ilaa seddex (3) wareeg.

April 27, 2022 - 10:17:00
MUQDISHO- Keydmedia Online

Yaa u tartamaya Xilka Guddoomiyaha?

Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa ku tartamaya illaa todobo Musharax, kadib markii uu tartanka ka haray Maxamed Mursal, baratamayaasha ayaa kala ah:

Xil. Cabdirashiid Maxamed Xidig, Xil. Cabdullaahi Aadan Axmed Black, Xil. Aadan Maxamed Nuur Soronsoor, Xil. Xasan Cabdi Nuur, Xil. Saadaq Cabdullaahi Cabdi iyo Xil. Shariif Maxamed Cabdalla, Xil. Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe

April 27, 2022 - 10:04:00
MUQDISHO- Keydmedia Online

Muran taaganaa oo la xalliyay

Xildhibaan Saadaad Caliyow Ibrow, oo ka mid ah Xildhibaannada laga soo doortay, Koofur Galbeed, ayaa sheegay in Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, xalliyay muran ka taagnaa hoolka dorashada ugu yaraan muddo saddex saac ah.

“Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna Musharrax Madaxweyne Xildhibaan Abdirahman Abdishakur Warsame, waxa uu ku mahadsan yahay xallinta mushkiladdii ka taagneed doorashada Guddoonka Baarlamaanka JFS”. Ayuu yiri Xidhibaan Saadaad.

April 27, 2022 - 9:58:00
MUQDISHO- Keydmedia Online

Mursal oo tartanka ka haray

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa isaga haray, tartanka, Guddoonka Golaha Shacabka, kadib markii uu ogaaday in uusan wax fursad ah heysan, lana dooraneyn qof Farmaajo ku daaban.

Maxamed Mursal, wuxuu qeyb ka ahaa mushakiladihii afartii sano ee lasoo dhaafay, wuxuuna hormuud u ahaa meel marintii muddo kordhintii sharci darrada ahayd ee 12-kii April 2021, taasoo sababtay gacan ka hadal iyo kala jab ciidan.

April 27, 2022 - 9:51:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

Xildhibaannada Ceel-waaq oo aan cod lahayn

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka Xildhibaaan Dhabancad, ayaa ku dhawaaqay in aysan codeyn doonin 17 xildhibaan oo hoolka ku sugan, kuwaas oo 16 ka mid ah, lagu soo doortay Ceel-waaq, halka Xildhibaanka kale yahay Yaasiin Farey oo hadda la dhaariyay ID-ga Xildhibaannimana aan wadan.

April 27, 2022 - 9:46:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

Guntanka Golaha

Kooramka kulnaka ayaa ku furmay, 240 Xildhibaan, waxaana la dhaariyay  labo xildhibaan taasoo tirsda guud ee Xildhibaannada kulanka fadhiya ka dhigtay 24.

April 27, 2022 - 9:40:00
MUQDISHO- Keydmedia Online

Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo billaabatay

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee ku sugan hoolka Doorashada ayaa loo qeybiyay ajandaha kulanka, waxaana la dhaarin doonaa Xildhibaanno uu ka mid yahay eedeysane Yaasiin Farey oo ku magacaaban Taliyaha KMG ah ee NISA, ka hor inta aysan billaaban doorashada Guddoonka Golaha Shacabka.

Yaasiin Farey, marka loo dhaariyo Xilka Xildhibaannimo, wuxuu toos u weynayaa xilka uu ku magacaaban yahay ee agaasimaha ku meel gaarka ah ee hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka [NISA], waana sababta uu dhaarintiisa dib ugu dhigay.

12 saac ka hor ayuu qorshuhu ahaa in ay billaabato doorashada Gudoonka Golaha, hayeeshee, jid-gooyooyin ciidan oo Kooxda Farmaajo u dhigteen qaar ka mid ah Xildhibaannada, ayaa sababtay in xilligaan waqtiga doorashadu soo gaaro.

Xildhibaannada laga soo doortay Ceel-waaq, ayaa ku sugan Gudaha hoolka, hayeeshee, ma cadda in ay cod dhiiban doonaan, maadaama ay doorashaduudu dhalisay buuq xooggan iyo is qabqabsi siyaasadeed, halka kuwii ka yimid Garbahaarrey loo diiday in ay gudaha galaan.

Commenting is not available in this channel entry.