Doorashada Guddoonka Aqalka Sare oo berri ka dhacaysa Afisyooni

Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Senator Saalax Axmed Jaamac iyo Senator Cismaan Obokor Dubbe, ayaa u taagan xilka ugu sarreeya Golaha ee Guddoomiyaha, waxaana la saadaalinayaa inuu tartan adag la kulmi doono Cabdi Xaashi.

News Keydmedia Online
Doorashada Guddoonka Aqalka Sare oo berri ka dhacaysa Afisyooni

MUQDISHO, Soomaaliya – Doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare, ee Baarlamaanka 11-aad ayaa loo madlan yahay in ay berri ka qabsoonto, magaalada Muqdisho, gaar ahaan Teendhada Afisyooni ee xerada Xalane.

Guddiga Doorashada Guddoonka Aqalka Sare, ayaa maanta  kormeer ku sameeyay hoolka Doorashada ka dhacayso, halkaas oo loo dhameystiray adeegyada muhiimka u ah, qabsoomidda doorashada.

Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Senator Saalax Axmed Jaamac iyo Senator Cismaan Obokor Dubbe, ayaa u taagan xilka ugu sarreeya Golaha ee Guddoomiyaha, waxaana la saadaalinayaa inuu tartan adag la kulmi doono Cabdi Xaashi.

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad, waxaa u taagan, Senator Cabdixakiin Macalin Axmed iyo Senator Cali Shacbaan Ibraahin, oo taageero ka kala helaya, musharixiin u taagan xilka ugu sarreeya ee dalka.

Murashaxiinta Guddoomiye ku xigeenka 2-aad, waxaa ku baratamaya, Senator Ilyaas Badel gaboose, Senator cabdullaahi shiikh Ismaaciil (Fartaag), Senator Cabdullaahi cali Xersi, Senator Sareedo Maxamed xasan, Senator Xasan Xuseen xaaji, senator Cabdiwali Maxamed Ibraahim (Xaabsade) iyo Senator Cabdi Cismaan xareed.

Dastuurka Soomaaliya wuxuu siiyay Aqalka Sare awood uu ku matalo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo in Aqalku curin karo waxna ka badali karo shuruucda dalku leeyahay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.