Doorashada Madaxweynaha oo laga dhigay bisha Octoobar 2021

Madaxda Maamul goboleedyadda Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka ayaa maanta oo talaado ah isku afgartay jadwalka cusub ee doorashada dalka.

Warar Keydmedia Online
Doorashada Madaxweynaha oo laga dhigay bisha Octoobar 2021

MUQDISHO - Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ayaa maanta isku afgartay Jadwalka cusub ee doorashada, kadib billo oo wadahadallo ay socdeen. 

Doorashadda Madaxweynaha JFS ayaa la isku afgartay in la qabto 10 October 2021.

Doorashada xubnaha Aqalka Sare ayaa la qaban doonaa dhamaadka bisha soo socota ee July (25 July 2021), halka Xildhibaanadda Aqalka hgoose lasoo xuli doono 15ta July ilaa 10ka August. 

Shirkaan oo ay ka qeyb galayaan, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda Shanta maamul goboleed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, ayaa diiradda lagu saarayaa dardar gelinta doorashada.

Warkaan waa war deg-deg ah, wixii macluumaad ah kala soco bogga wararka ee Keydmedia Online. 

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.