Doorashada Aqalka sare oo maanta ka bilaabaneysa Jowhar

Tirada Musharaxiinta ku tartami doona sideeda kursi ee doorashadooda maanta iyo berri ay ka dhaceyso Jowhar ayaa tiradooda aad uga badan marka loo fiiriyo doorashooyinkii ka dhacay maamul goboleedyada kale ee dalka.

Warar Keydmedia Online
Doorashada Aqalka sare oo maanta ka bilaabaneysa Jowhar

JOWHAR, Soomaaliya - Doorashada xildhibaannada Aqalka sare Baarlamaanka Soomaaliya ku matalaya dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa lagu wadaa maanta oo talaado in si rasmi ah ay uga qabsoonto magaalada Jowhar.

Sideeda kursi ee kamid ah kuraasta Aqalka sare oo ay ku tartami doonaan 27 musharrax, kuwaas oo shalay Baarlamaanka Hirshabeelle ku soo bandhigay khudbadahooda musharraxnimo ayaa diirada ku saaray waxyaabaha ay qaban doonaan hadii ay ku guuleeystaan xubinimada Aqalka sare.

Tirada Musharaxiinta ku tartami doona sideeda kursi ee doorashadooda maanta iyo berri ay ka dhaceyso Jowhar ayaa tiradooda aad uga badan marka loo fiiriyo doorashooyinkii ka dhacay maamul goboleedyada kale ee dalka.

Xubno ka tirsan guddiyada doorashada heer fedaraal iyo heer dowlad goboleed ayaa goobjoog ka noqon doona doorashadaan maanta ka bilaabaneysa magaalada Jowhar, waxaana sidoo kale saakay laga dareemaya Jowhar amaanka oo si weyn loo adkeeyay.

KEYDMEIDA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 18:56

Khabiir amni ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la furo baariska dilkii Injineer Yariisow, si xal loogu helo, xaaladda cakiran ee la xariirta baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyo saraakisha kale ee NISA.