Doorashada Gudoomiyaha Baarlamanka Cusub oo dib u dhacday

Muqdisho (KON) - Guddiga doorashada Gudoomiyaha ayaa sheegaya in dib loo dhigay doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeyn, iyagoona sheegay inay dib ugu dhacday ilaa 28-bishaan.
Warar Keydmedia Online
Doorashada Gudoomiyaha Baarlamanka Cusub oo dib u dhacday

Sida lagu sheegay war kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in doorashada oo loo balansanaa in ay dhacdo maalinta berri ah ee 26-da bishaan ay dib ugu dhacday maalinta Talaadada ee 28-da bishaaan, ilaa haddanah lama sheegin sababta keentay balse waxaa jira arrimo farsamo iyo musharixiinta u taagan xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka oo wali qabya ah.

Shalay ayay ahayd markii la soo gaba gabeeyay qabashada araajiyada ee musharixiinta u taagan jagada Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Ilaa hadda xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaa u taagan 6 musharax, halka xilka ku xigeynka koobaad ay u yaaganyihiin 9 musharax, iyo xilka Gudoomiye ku xigeynka labaad oo ay u taaganyihiin ilaa 3 qof.

Keydmedia Online - Xafiiska, Muqdisho




Warar 20 February 2021 1:45

Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in dad gaaraya 20 qof ay ku dhimatay dagaalka Muqdisho, inkastoo macluumadka ay Keydmedia Online haleysa sheegaya in ku dhawaad 60 qof ay ku dhinteen.