Doorashadda oo laga digay inay markale dib u dhacdo

Gollaha Amaanka ayaa sheegay inaan la aqbali karin dib u dhac kale.

Warar Keydmedia Online
Doorashadda oo laga digay inay markale dib u dhacdo

NEW YORK - Dowladaha Gollaha Amaanka oo kulan gaar ah ka yeeshay arrimaha Soomaaliya ayaa kasoo saarey go'aanno cusub oo ku aadan doorashadda iyo amaanka dalka.

Waxay dowladaha 15-ka xubnaha ka ah Gollaha Amaanka ugu baaqeen maamulka Farmaajo ee waqtiga ka dhamaadey inuu si deg deg ah u qabto doorashooyinka, waxaana looga digay inuu markale dib u dhac ku yimaado hanaanka dalka looga saarayo kala-guurka.

Gollaha Amaanka wuxuu sidoo kale ku baaqey in heshiis loo dhan yahay lagu gaaro shirka la filayo inuu dhexmaro Farmaajo iyo Madaxda maamullada oo ka dhacaya Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Farmaajo uu la kulmayo cadaadis xoog leh oo ku saabsan dhanka doorashadda, waxaana Villa Somalia lagu wargeliyay inaysan Beesha Caalamka usii dulqaadan doonin dib u dhaca doorashadda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.