Doorashooyin ka dhacaya Galmudug iyo Muqdisho

Waxaa si toos ah dalka uga billowday doorashadda Kuraasta Aqalka Hoose xili ay soo baxayaan cabasho ku aadan in boob lagu sameynayo kuraasta qaar.

Warar Keydmedia Online
Doorashooyin ka dhacaya Galmudug iyo Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Muqdisho iyo Dhuusamareeb waxaa Maanta ka dhacaya doorashooyiinka kuraas kamid ah Gollaha Shacabka, iyadoo Galmudug ay tahay markii ugu horeysay.

Saddex Kursi oo kamid ah Kuraasta Gobollada Waqooyi ayaa lagu dooranayaa xerada Jeneraal Kaahiye ee Muqdisho, halkaasoo shalay shan Xildhibaan lagu doortay oo Maareeye ku jiro.

Galmudug waxay Dhuusamareeb ku dooranayaa labo kursi, oo ah kuwii ugu horeeyay, waxaana maamulka Qoor-Qoor uu noqonayaa midkii ugu horeeyay oo qabta doorashadda A/Hoose.

Kuraasta Galmudug yaalla waa kuwa ugu tartanka adag, oo doodaha ugu badana ka yimaadaan, waxaana hadda durba cabasho muujinaya Musharixiin uu kamid yahay Jen Tuuryare.

Tuuryare, taliyihii hore ee NISA waxaa kursigiisa boobey Farmaajo oo la rabo inuu ku fariisto Yaasiin Fareey, oo kasoo jeeda Beesha Abgaal, kaasoo ku eedeysan dilka Ikraan Tahliil Faarax.

Doorashadda ka socoto Soomaaliya waxaa hareeyay musuq-maasuq iyo boob kuraasta Baarlamaanka, iyadoo C/raxmaan Cabdishakuur sheegay in mucaaradka uusan ku qanacsanayn hanaanka lagu soo xulayo Xildhibaanada.

Wuxuu sheegay in iyadoo aan ergada la diyaarin, la tababarin sidoo kalena aan la ogeyn Odayaasha dhaqanka doorkooda Musharixiin la diiwaangelinayo, oo askar laga dhigayo ergada.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 December 2021 18:32

Boobkii doorashada ee sababay dilkii MW Soomaaliya iyo isku dhajintii xukunka ee keentay burburka dalka ayuu Farmaajo dib u soo celiyay, wuxuu diiddan yahay banneynta xaafiiska iyo hirgalinta doorasho xalaal ah.