Doorashooyinkii Somaliland oo soo gabagaboobay

Doorashooyinka Baarlamanka iyo golaha deegaanka ee Somaliland ayaa lagu dhawaaqay in lasoo gabagabeeyay

Warar Keydmedia Online
Doorashooyinkii Somaliland oo soo gabagaboobay

HARGEYSA, Somaliland - Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa shaaciyay in doorashada ay ku soo idlaatay si nabadgelyo ah.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland Cabdirashiid Riyoraac iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin ayaa ku dhawaaaqey in doorashadii Somaliland ku soo dhammaatey si nabadgalyo ah.

Mudane Cabdirashiid Riyoraac ayaa shaaciyay in doorashada golaha wakiillada iyo golaha deegaannada ay codkooda ka dhiibteen in ka badan 1 Milyan oo codbixiyeyaal ah.

Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa tilmaamay in doorashada ay ka dhacday kuraasta 23 Dagmo doorasho oo ay ku loollamayaan seddexda Xisbi ee ugu waaweyn oo Somaliland ka jirta.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.