Dowlada Ingiriiska: Waan soo saareynaa shidaalka Somalia

Moqadishu (Keydmedia) - Dowlada Ingiriiska ayaa la gashay wadahadalo qarsoon madaxda dalka Soomaaliya si ay uga dhaadhiciso madaxda Soomaaliya sidii xooga loo saari lahaa waxsoo saarka shidaalka Soomaalia. sidaas waxaa qoreen Wargeysyada ka soo baxa Ingiriiska qaarkood.
Warar Keydmedia Online
Dowlada Ingiriiska: Waan soo saareynaa shidaalka Somalia

Shirweynahan  ayaa yimid kadib markii uu booqasho kedis ah ku tegey magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya xoghayaha arrimaha dibada ee Britain
William Haig, waxana uu Haig sheegay in mustaqbalka Soomaaliya uu rajo leeyahay.

Waxaa soo baxaya haatan warar sheegaya in dowlad Ingriiska ay si gaar ah u eegeyso mustaqbalka dalka Soomaaliya, iyadoo ay socdaan wadahadalo gaar ah oo ku saabsan shidaalka iyadoo dhowaan sahan lagu sameeyey deegaano kamid ah maamul goboleedka Puntland lagu sheegay in laga soo saari karo shidaal.

Keydmedia.