Dowlada iyo Alshabaab oo isku waafaqay bilashada Ramadan

MUQDISHO(KEYDMEDIA) Dowlada KMG ah iyo maamulada shababa ee gobalada kale duwan ayaa isku waafaqay in maalinta barito ah ay tahay bil Ramadan.
Warar Keydmedia Online
Dowlada iyo Alshabaab oo isku waafaqay bilashada Ramadan

Alshabaab ayaa uga dhawaaqday deegaanada ay ka taliso in maalinta bari ah ay tahay Ramadan, isla markaana shacabka looga baahanyahay in ay soomaan.

Dowlada ayaa iyana dhankeeda ugu hanbalyeeysay shacabka bisha Ramadan, laakiin dowlada iyo Shabaab midkoodna ma sheegin in shacabcka ay ugu turayaan dagaalada sabab la xiriirta bisha ramadaan darteed.

Maamulka iyo shaqaalaha keydmedia oo wadajira ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hanbalyeeynaya bisha barakeysan ee Ramadaan.

WWW.KEYDMEDIA.NET