Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Kulankaan ayaa waxaa yeeshay masuuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay iyo waliba wasiirka gaashaandhiga ee dowlada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Fiqi.
Kulanka ayaa markii uu soo dhamaaday ka dib ayaa waxaa warbaahinta la hadlay wasiirka difaaca Soomaaliya, wuxuuna sheegay sheegay in kulankaan aadc looga hadlay xayiraada xaga hubka ah ee saaran Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in ay jiraan waxyaabo badan oo leesku fahmay, asagoona xusmay in dhowaan arimahaas oo dhan war laga soo saari doono, maadaama Soomaaliya ay ka baxday KMG-kii.
Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa saaran cuna qabatayn xaga hubka ah xili dowlada ay leeday mucaarad xoog badan oo ku kacsan dowlada, xiriirna la leh Al-qaacida.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments