Dowlada oo ka walaacsan deegaanada ay ka baxayaan Ciidamada Ethiopia

Muqdisho (KON) - Ciidamada Ethiopia ayaa baneeyay qaar ka mid ah deegaanada ay kaga sugnaayeen Soomaaliya oo ay horay u joogeen haatana waxay qorshaynayaan in ay ka baxaan deegaano kale.
Warar Keydmedia Online
Dowlada oo ka walaacsan deegaanada ay ka baxayaan Ciidamada Ethiopia

Meelaha ay ka baxeen ciidamada Ethiopia waxaa ka mid ah degmada Xudur ee gobalka Bakool, halkaasi oo ay dib u qabsadeen kooxda Al-Shabaab ee ka soo horjeeda dowlada Soomaaliya.

Bixitaanka ciidamada Ethiopia ayaa wuxuu walaac xoogan uu ku abuuray dowlada oo haatan il gooni ah ku eegaysa deegaanada iyo gobalada ay wali joogaan ciidamadaan iyo sidii ay ka yeeli lahaayeen.

Meelaha ay ka baxeen ciidamadaan waxaa joogay masuuliyiin iyo ciidamo Soomaali ah kuwaasi oo iyana sii raacay ciidamada Ethiopia waxayna baneeyeen deegaanadii ay joogeen.

Ciidamada dowlada oo aanan u diyaarsanayn ilaalinta amaanka deegaanada qaar iyo tirade ciidamada AMISOM ee jooga gobalada Baay iyo Bakool oo yar ayaa sidoo kale sii abuuraya walaac kale.

Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo tagay Baydhabo ayaa dadaal ugu jira sidii ay ciidamada Ethiopia ugu qanci lahaayeen in ay siijoogaan wali magaaladaasi.

Taliska ciidamada AMSIOM ayaa sheegay in ay haatan u diyaar garoobayaan inay gabi ahaanba la wareegaan deegaanada ay joogaan ciidamada Ethiopia iyo kuwa ay ka baxeen intaba.

Keydmedia Online xafiiska Muqdisho