Dowlada oo wariyaal Xabsiga dhigtay

Ciidamada Nabad sugida Dowlada ayaa xabsiga dhigay shalay wariyaal xog doon ahaa isla markaana ku sugnaa jiida hore ee dagaalka
Warar Keydmedia Online
Dowlada oo wariyaal Xabsiga dhigtay

Wariyaasha la xiray ayaa ahaa kuwa u shaqeynayay warbaahinta dibada waxaana ay kala ahaayeen Mustaf Xaaji C/nuur oo wakaalada wararka AFP u shaqeynayay iyo Yuusuf Jabuutiyan oo la shaqeynayay mid ka mid ah TV-yada Caalamka, waxaana mustaf iyo yuusuf ay xabsiga ku jireen 11-saacadood.

Xarigooda ayaa waxa uu ka danbeeyay kadib markii ay ciidamada Sirdoonka Dowlada ay gacanta ku dhigeen iyaga oo ku howlan u dhaba galida xogta dagaalka.

Mustaf C.nuur oo warbaahinta la hadlay markii uu xabsiga ka soo baxay ayaa sheegay in xaaladooda ay wanaagsan tahay isla markaana tani ay ka mid  tahay caqabadaha joogtada ah ee ay saxaafada la kulmaan.

Dhanka kale waxaa halkaasi uu dhaawac ka soo gaaray Wariye Faarax Cabdi Fargaan oo isagana ka tirsan Shaqaalaha wakaalada Ap waxaana faarax qeyba badan oo jirka ah ka gaaray dhaawacyo kale duwan.

www.keydmedia.net