Dowladda ayaa ciidamo soo dhoobtay Daljirka Dahsoon

Waxay u muuqataa in ay dowladdu mar kale ka hor tagi doonto Isku soobixii ay iclaamiyeen golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha, kaddib markii uu guul darreystay shirkii ay la yeesheen RW Rooble

Warar Keydmedia Online
Dowladda ayaa ciidamo soo dhoobtay Daljirka Dahsoon

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamo tiro badan ayaa lagu soo daadiyay fagaaraha taallada Daljirka Dahsoon halkaas oo lagu ballansan yahay inuu ka dhaco Bannaanbax ay horay u sheegtay dowladdu in uu ka dhici doono Daljirka, islamarkaana ay qeyb ka tahay xukuumadda oo ay guddiga qabanqaabada ku darsatay xubno ka tirsan xukuumadda iyo maamulka Gobolka Benaadir.

Ciidamadan lasoo dhoobay taallada Daljirka Dahsoon ayaan la ogeyn sababta xilligan kusoo aaddisay, iyadoo xalay uu guul darreystay wada-hadalladii udhaxeeyay RW Xil gaarsiinta ah ee xukuumadda Soomaaliya Rooble iyo golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha.

Dowladdu waxay qorsheyneysaa mar haddii uu fashilmay kulankaasi, in ay dib ula laabato waxyaabihii horay loogu ballamay oo ay kamid ahayd in mucaaradku qabsadaan isku soobax nabadeed, dowladduna ay sugto ammaanka goobta, sidoo kalena ay qeyb ku yeelato guddiga qaban qaabda bannaanbaxa looga soo horjeedo kaligii taliyaha xoogga ku haysta talada dalka.

Dowladdu kuma dhawaaqin in ay ka baxday heshiiskii horay loo galay, balse waxay shaaca ka qaadeen in fashilka shirka ku yimid ay mas'uuliyaddiisa lahaayeen midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya, halka ay iyaguna ku eedeeyeen fashilka shirka in uu qeyb weyn kulahaa madaxweyne Farmaajo oo farriimo hoos uga soo dirayay RW Rooble oo aan aqoon awoodda uu leeyahay ee uu dastuurku siiyay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.