DF oo lagu eedeeyay dilka Xildibaan Aamino

Cabdalla Axmed Muumin, oo ka mid ah saxafiyiinta aan ganban ee u hadla dhibanayaasha, ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyay dilka AUN, Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi, oo lix cisho ka hor lagu dilay Baladweyne.

News Keydmedia Online
DF oo lagu eedeeyay dilka Xildibaan Aamino

MUQDISHO, Soomaaliya - Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Somali Journalists Syndicate - SJS, Cabdalla Axmed Muumin, ayaa dilka Allaha u naxariistee, Xildhabaan Aamino Maxamed Cabdi, ku eedeeyay madaxda hay’adaha amniga Soomaaliya.

Muumin, oo ka qeyb galayay kulan Qur’aan aqris ah, oo loogu duceynayay marxuumadda iyo ku dhawaad 50 ruux oo kula geeriyooday Baladweyne, ayaa sheegay in dilka Aamino la qorsheeyay bishii Janaayo ee sanadkaan, isla-markaana uu ahaa shirqool siyaasadeed.

Wuxuu xusay in saraakiil ka tirsan NISA, ay qorshaha arrinkaan u tageen Jowhar, kuwaas, oo MW Guudlaawe, kala hadlay, boobka qaar ka mid ah kuraasta Golaha shacabka oo uu ku jiro HOP135, oo AUN Xildhibaan Aamino ku fadhisay baarlamaankii 10-aad ee JFS.

Safarka saraakiishaas, Keydmedia Online, waxa ay baahisay 3 February 2022, kadib xogo ay ka heshay xubno ka tirsan howl-wadeennada xaafiiska MW Guudlaawe, kuwaas oo xaqiijiyay in kulan qarsoodi ah, oo saacado badan qaatay uu ka dhacay Jowhar.

Saraakiishaan, waxaa hoggaamiyayay Cabdiraxmaan Dheere, oo ah qabbaanka ugu weyn ee Fahad, halka ay wehliyeen, Kullane Jiis oo Farmaajo ku heyb ah iyo Sarkaalka NISA ugu magacaaban Maaliyadda, oo “Wiilka Fahad” loogu yeero, ee Mukhtaar Ismaaciil.

Xoghayaha Ururka, - SJS, Cabdalla Axmed, wuxuu sheegay in sidoo kale, isla-bishaan ciidan ka tirsan Haramcad iyo Gorgor la geeyay Baladweyne, iyadoo ay xusid mudan tahay in muddo ka badan hal sano Madaxtooyadu indha ka daawaneysay xaaladdii ka jirtay Hiiraan.

“Reer Baladweyne, waxaa musiibadaan loo qorsheeyay bishii Janaayo, markii ciidanka laga qaaday Muqdisho, Aamino, waxaa dilay kuwii dilay Cabdicasiis Afrika, kuwo ka danbeeyay ama ka horreeyay, Macalimuu maxaa loo beegsaday?, waa su’aal taagan? Ayuu yiri Muumin.

Wuxuu sheegay in abaabulyaasha qorshaha khaarinta Aamino, ay is-dabatixan yihiin Banaadir ilaa Baladweyne, wuxuuna ku baaqay in bulshada Soomaaliyeed aysan ka harin, kuwa dhiigga shacabka iyo dadka wax-galka ah u daadinaya si ay xukunka u sii joogaan.

Wuxuu xusay in Xildhibaan Aamino loo beegsaday ka shaqeyntii kiiska Ikraan iyo caddaalad u raadintii qoyskeeda, wuxuuna soo dhawaaqay hadalka Qaramada Midoobay ee ah in ay baaritaan madax bannaan ku sameysanayaan qaraxyadii Baladweyne.

Dhanka kale, waxaa jira xogo sheegaya in shaqsiyaadka isku qarxiyay Baladweyne, 23kii bishaan, ayaa ka tirsaneeyeen ciidanka Dowladda, gaar ahaa Haramcad, kuwaas oo hore uga soo goostay Al-Shabaab kana mid ahaa askartii Fahad Yaasiin geeyay magaalada.

KON, waxa ay hore u baahisay, xogo sirdoon oo muujinaya inuu jiro qorshe muddo soo socday, kaas oo Al-Shabaab iyo Villa Soomaaliya, is kala shaqeynayeen weerarkii garoonka diyaaradaha iyo qaraxyadii lagu laayay reer Baladweyen 23-kii March 2022.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.