NISA oo baaraysa Lacag Mucaaradka Garoonka uga soo degtay
Amb, Ben Fender , safiirka UK ee Soomaaliya ayaa sheegay in xilli walbo oo la gaaro doorashooyinka Soomaaliya ay soo noq-noqdaan arrimo isku mid ah misne aan u muuqan kuwo laga horumaray amaba wax laga bedalay
MUQDISHO, Soomaaliya - Ben Fender hadal uu ka jeediyey shirkii Isgaashiga Soomaaliya iyo beesha caalamka ayaa waxa uu tilmaamay in Soomaalida ay ku xiran tahay isbedallo la gaaro, islamarkaana kaliya ay tahay sida loo fuliyo heshiisyada bulsho ee la gaaro.
Waxyaabaha uu soo hadal qaaday waxaa ka mid ah, in xafiiska markaas maamulka haya lagu eedeeyo farogelinta howlaha doorashada iyo in sidoo kale mar walba la abuuro xubno isku dhinac ah oo wax walbo iyagana ka horyimaada.
''Sanadihii ugu danbeeyay waxaan daawanayay doorashooyin kala duwan oo gobollada dalka ka dhacay, waxaan arkayay arrimo isku mid ah soo noqnoqanaya, waxaa ka mid ah kuwa xafiiska maamula oo faragelinaya shuruucda si ay guusha u gaaraa iyo kuwa mucaarad ah oo diidaya, carqaladeynaya hannaanka, haddii ay u arkaan in aysan ku guuleysanayn,, waa in la raadiyaa wax-yaabo heshiis lagu yahay oo marka danbana si wadajir ah loo fuliyo, waa in la ogaadaa in guddiyada doorashada aan loo xulan shaqsiyaad loo arko in aysan ku habooneyn shaqadaas oo ay dhaliilsan yihiin dhinaca kale ee qeybta ku leh hannaanka doorashada'' ayuu yiri safiirka.
Xubnaha beesha caalamka ayaa aad uga walaacsan wadada ay ku socoto doorashada Soomaaliya, iyadoo dalka hadda u muuqdo in weli uu taagan yahay sanadkii 2016.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments