Abiy oo sheegay in uu bilaabayo dib u dhiska gobolka Tigray-ga

Goboka Tigrayga ayaa inta badan ku burburay dagaalladii dhacay.

Warar Keydmedia Online
Abiy oo sheegay in uu bilaabayo dib u dhiska gobolka Tigray-ga

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in haatan ay ciidamadiisu soo gabagabeeyeen howlgalkii Milatari guulna uu ku soo idlaaday.

Abiy ayaa sheegay in la joogo xilligii dib u dhiska lagu samayn lahaa wixii ku burburay dagaalka sidoo kalena dib deegaannadooda loogu soo celin lahaa dadkii ka qaxay.

“Waxaa haatan ina hortaalla howl culus, dib u dhiska wixii nooga burburay dagaalka iyo dib u soo celinta muwaadiniinta ka cararay dagaalka ayaa ina sugaysa” ayuu yiri Abiy.

Hadalka Abiy Axmed ayaa yimid kaddib markii ay ciidamadiisu gacanta ku dhigeen magaalada Makelle ee xarunta u ah gobolka Tigray oo ay muddo bil ku dhawaad ah kusii siqayeen.

Jabhadda TPLF oo haatan u muuqata mid looga adkaaday dagaalka ayaa iyana sheegtay in ay sii wadayaan dagaalka ka dhanka ah ciidamada dowladda.

Jabhadda ayaa dalka Eretrea ku eedeysay in uu ku lug lahaa dagaalka oo ay gacaniinaysay ciidamada Addis Ababa ee gulufka ka waday gobolka Tigray.

Abiy Axmed oo kulan la yeeshay ergada nabadda Midowga Afrika ayaa u sheegay in ay ciidamadu xil weyn iska saari doonaan badbaadada dadka rayidka ah ee ku nool Makelle.

Xukuumadda Abiy ayaa ergada u diidday in ay booqdaan gobolka Tigray.

Qaramada Midoobay ayaa Iyana kal hore ka digtay dambiyo dagaal oo ka dhalan kara dagaalka magaalada Makelle, sidoo kalena waxay walaac ka muujisay in Hay’adaha gargaarka loo diiday in ay gacan siiyaan dadka ku tabaaloobay colaadda gobolkaas.

In kabadan 40.000 oo qof ayaa ka barakacay dagaalka gobolka Tigray kuwaa oo ku qaxooyiyoobay dalka Suudaan, sidoo kale dadka nus Milyan qof ah oo u baahan gargaar ayaa ku nool magaalada Makelle.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.