Dowladda Mareykanka oo soo gabagabeysay la bixidda ciidankeedii joogay Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa dhameystiray la bixiddii ciidamadeedii joogay Soomaaliya, sida laga soo xigtay Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM).

Warar Keydmedia Online
Dowladda Mareykanka oo soo gabagabeysay la bixidda ciidankeedii joogay Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka AFRICOM Kornayl Christopher P. Karns, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dib u celintii ciidamada Mareykanka ee uu amarka ku bixiyay madaxweynaha bishii Diseembar la dhameystiray.

Sida Keydmedia online ogaatay inta badan ciidamada Mareykanka kama tagayaan gobolka, waxaan qeyb ka mid ah la geeyay dalal kale oo ku yaalla bariga Afrika, sida Jabuuti iyo Kenya.

Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Taliska Africa Gen. Stephen Townsend, ayaa sidoo kale soo gabagabeeyay howlo maalmo badan qaatay oo uu ka waday Soomaaliya.

Intii uu joogay Soomaaliya, Townsend waxuu la kulmay, Safiirkii Mareykanka ee Soomaaliya Don Yamamoto iyo masuuliyiin kale oo muhiim ah sida Wasiirka Gaashaandhigga, Xasan Xuseen Xaaji, iyo Taliyaha Ciidanka xoogga Gen. Odawaa Yuusuf Raage, iyagoo ka wada hadlay sii wadista iskaashiga amniga.

"Majirin dhaawacyo halis ah iyo khasaaro weyn oo dhanka sahayda ah oo nasoo gaaray" ayuu yiri Stephen Townsend.

“Al-Shabaab waa cadow arxan daran oo khatar ku ah Ameerika iyo Afrika, waxaan sii wadi donna  inaan si dhow ula shaqeyno saaxiibadeena si loo yareeyo awooda al-Shabaab”. Ayuu sidoo kale yiri Townsend.

Bishaan Jannaayo, Mareykanku wuxuu qaaday saddex duqeymood oo ka dhan ah  kooxda Al-Shabaab. Duqeyntii ugu dambeysay waxa ay ka dhacday nawaaxiga deegaanka Buulo Falaay ee gobolka Baay waxaana halkaa lagu dilay hal xubin oo ka tirsan Al-Shabaab, halka lagu burburiyay xarun cidiidan, sida lagu sheegay war ka soo baxay AFRICOM.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.