Dowladda oo dayacday Shacabka Shabeellaha dhexe

Waxaa wali taagan xaaladdii bini’aadan-nimo ee ka dhalatay fatahaddii Wabiga Shabeelle, kaas oo barakac iyo burbur hantiyadeed u hor seeday, beeraley iyo xoolo dhaqato ku nool Shabeellaha dhexe.

Warar Keydmedia Online
Dowladda oo dayacday Shacabka Shabeellaha dhexe

JOWHAR, Soomaaliya - In ka badan 500 oo qoys oo ku nool hareeraha magaalada Jowhar, ee gobolka Shabeellada Dhexe, oo ay dhowaan saameeyeen fatahaado ba'an oo ka dhacday gobolka ayaa la gaarsiiyey cunno iyo gargaar bani'aadamnimo oo ay iska kaashadeen Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo Dowlad goboleedka Hirshabelle.

Sida laga soo xigtay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaaabilsan Isku duwidda Arrimaha Bani'aadamnimada, fadahaadaha Shabeellada Dhexe ayaa barakiciyay, wadar ahaan 66,000 qof oo daganaa ku dhawaad 30 tuulo, waxay burburiyeen in ka badan 40,000, oo hektar oo dhul beereed ah.

Dadka danyarata ah ee fataahaaddu saameysay oo in muddo ah dalbanayay in Dowladda Fadaraalka ay wax ka qabato arrinkooda ayaa ugu danbeyn magan galay xerada ciidamada AMISOM ee ku dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar, halkaas oo lagu soo guddoon-siiyay raashin aan badneyn.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe, ayaa in muddo ah ku sugaanaa Muqdisho ka hor inta uusan tamashlo u aadin dalka Turkiga, mana jiro gurmad muuqda oo HirShabeelle u sameeyeen shacabka ku dhibaateysan hareeraha Jowhar.

Dowladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa dhagaha ka fureysatay shacabka dan yarta ah ee ku tabaaaleysan gobolka Shabeellaha dhexe, kuwaas oo guryahoodii, duunyadoodii iyo dalaggoodiiba ay daadadku burburiyeen.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.