Dowladda oo eedeysay Jubbaland iyo Puntland

Dowladda Soomaaliya oo eedeysay dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, sidoo kalena baaq hor leh usoo jeedisay kaddib markii uu baaqday shirkii madaxda dowladda dhexe, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Benaadir

Warar Keydmedia Online
Dowladda oo eedeysay Jubbaland iyo Puntland

MUQDISHO, Soomaaliya - Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay inay diyaar u tahay in la dhameystiro heshiiskii laga gaaray doorashada 17-kii Sebtember, isla markaana khilaafyada jira lagu dhameeyo wada-hadal nabadeed.

"Dowladda ayaa  si loo xalliyo caqabadaha ku hur gudban doorashada bilowday siyaasad ay ku dejineyso qaab heshiis lagu gaari karo, ayna sameeysay isku day kasta oo lagu  dhameeystirayo heshiiks 17-kii Sebtember, balse ay ka cago jiidayaan qaar kamid ah dowlad Goboleedyada" ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa soo jeedisay in mar kale la dhammeystiro heshiiskii lagu ballansanaa in la saxiixo kaadaama guddigii farsamada ee Baydhabo ku shiray ay isla gaareen is af-garad, saxiixiisana looga fadhiyo madaxda dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Benaadir.

Qoraalka oo intiisa badan looga been sheegay dhacdadii lagu weeraray Hotel Mai'ida iyo sidoo kale musharaxiintii bannaanbaxa dhigayay eedna loo soo jeediyay ayaa waxaa dhinaca kale looga codsaday dowlad goboleedyada ay kamidka yihiin Puntland iyo Jubbalan in ay kasoo qeyb galaan shirka, iyagoo caga-jiidkoodana lagu xusay qoraalka.

"Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay ku boorineysaa labada hoggaamiye ee Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ee haray inay ku soo biiraan inta kale ee saxiixayaasha heshiiskii siyaasadeed ee 17-kii Sebtember si loogu gogol xaaro doorashada iyadoo la tixgelinayo nabadda iyo barwaaqada" ayaa lagu yiri qoraalka

Sidoo kale rabashadihii ka dhacay muqdisho ayey eedda dusha kaga tuurtay dowladda Soomaaliya midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya "Musharixiinta u taagan xilka madaxweynenimo waxay doorteen inay hareer maraan howsha si ay u maraan waddo sharci darro ah iyo kacdoon hubaysan oo loo ekeysiiyay banaanbax nabadeed oo lagu damaanad qaaday dastuurka" ayaa lagu yiri qoraalka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.