Dowladda oo is hor-taag ku sameysay Isku soo bixii Jimcaha

Dowladda Soomaaliya ayaa amar dul dhigtay qeybaha bulshada, iyadoo soo rogtay amar ah in aan la isku soo bixi karin, ciidamada dowladda ayeyna ku amartay in ay fuliyaan awaamiirta.

Warar Keydmedia Online
Dowladda oo is hor-taag ku sameysay Isku soo bixii Jimcaha

MUQDISHO, Soomaaliya - Sida uu ahaa qorshaha waxaa horraantii toddobaadkan la shaaciyay in maalinta jimcaha uu ka dhici doono magaalada Muqdisho isku soo bax ay ku dhawaaqeen golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya 2021.

Wasiirka Wasaaradda Warfafinta ee Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa faah-faahin ka bixiyay go’aanno kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo la xiriira Caabuqa Coronavirus, waxaana go’aanada kamid ah:

  1. In dhamaan la fasaxay Shaqaalaha dowladda marka laga reebo kuwa muhiimka u ah Shaqada.
  2. In Shaqaalaha & dadka kale ay xirtaan afxirka ee (MASKA) sidoo kalena ay badiyaan kala foganshaha.
  3. In la yareeyo isku socodka dadka sida safarada, sidoo kale masaajida lagu dadaalo kala foganshaha iyo xirashada afdaboolka.
  4. Dhamaan Ciidamada Ammaanka ayaa lagu amray inay fuliyaan go’aanada kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Wasiirada wasaaradaha qaabilsan ka hortagga Cudurka Cronavirus ayaa shir isugu yimid maanta oo arbaco ah, waxaana warbixinno looga dhageystay bahda Caafimaadka, taas oo ku saabsan cudurka safmareenka ah ee Coronavirus.

Waxay soo saareen afarta qodob oo kan ugu muhiimsan uu yahay in la yareeyo isku socodka dadka. 

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.