Dowladda Farmaajo oo lagu eedeeyay xaraashka Shidaalka dalka 

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa qoraal ay soo saareen, uga digay heshiisyada baarista iyo qodista Shidaalka dalka oo ay Dowladda la gaaleyso shirkaddo shisheeye. 

Warar Keydmedia Online
Dowladda Farmaajo oo lagu eedeeyay xaraashka Shidaalka dalka 

MUQDIHSO, Soomaaliya - Musharaxiinta waxay ku sheegeen qoraalkood in Wasaaradda macdanta iyo batroolka ay dhawaan heshiis shidaal baaris ah la galayso shirakaddo laga leeyahay dalka dibadiisa.

Golaha ayaa ugu baaqay Hanti dhowrka iyo Xeer ilaaliyaha dalka in ay baaritaan ku sameeyaan heshiisyaddaan ay Dowladda Federaalka la galeyso Shirkaddaha Coastline oo horay loo oran jiray Som-Oil iyo shirkada Liberty.

“Dowlada Federaalka Soumaaliya iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah waxa ay 5-tii bishii June 2018 magaalada Baydhabo ku sixiixdeen Heshiiska Wadaaga kheyraadka dabiiciga ah, kaas oo dhigayay in heshiis walba oo la xiriira shidaal qodis, sahamin ama baaris uu noqdo mid daahfuran, laga dooday, la qiimeeyay, laguna heshiiyay, ugu danbeyna laga meelmariyay Golaha Shacabka ee DFS, kahor inta aan heshiiska la saxiixin” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka waxay ku eedeynayaan Farmaajo inuu doonayo ku shubasho codadka doorashadda, asigoo heshiisyaddaan cusub ku abaabulaya dib u doorashadiisa. 

Shidaalka dalka oo la xaraashayo 

Horey ayay Keydmedia Online warbixino dhowr ah uga soo qortay xaraashka dowladda Farmaajo ku iibinayso ruqasadaha shidaal baarista, waxayna madaxda ku sugan Villa Somalia doonayaan inay mashruucan ka sameeyaan dhaqaale ay doorashadda kusoo galaan.

Horaantii bishii December Keydmedia Online ayaa heshay macluumaad ku saabsan in magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga ay ka socdaan kulamo lagu xaraashayo shidaalka Soomaaliya xili mudo-xileedka dowladda Farmaajo uu sii dhamaanayo.

Xogta KON ayaa sheegaysa in Wasiiro ay kamid yihiin Ganacsiga iyo Batroolka Soomaaliya ay ku sugan yihiin hadda Istanbul, iyagoo halkaasi kulamo kula leh Shirkado ajnabi ah, oo ay ku jiraan SOMA OIL & GAS iyo LIBERTY oo laga leeyahay Ingiriiska iyo Australia. 

Waxay dowladda Federaalka ka iibinaysaa shirkadahan 8 block, oo 6 kamid ah loo sharciyeynayo Shirkadda Soma Oil & Gas, halka labada kale ruqsadooda loo saxiixayo Libery Oil, oo bixinaya lacag badan, oo Farmaajo uu doonayo inuu doorashadda ku galo.

Xaraashka Shidaalka Soomaaliya ee ka socda Turkiga ayaa imaanaya, iyadoo oo anay wali dhamaystirnayn hay'adihii uu sharcigu farayay inay ka shaqeeyaan arrimaha la xiriira khayraadka dalka.

Febuary 2019, waxaa lagu qabtay London shir shaki badan la geliyay, kaasoo DF sheegtay in looga arrinsanayay arrimaha shidaalka Soomaaliya. Shirkaasi ayaa waxay shirkada Spectrum oo ah shirkad aruurisa xogaha Shidaal ku soo bandhigtey xogo ay ka soo uruurisey xeebaha dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.