Dowladda oo qabanaysa Bannaanbaxyo lagu taageerayo

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda abaabulka Bannaanbaxyo iyada lagu taageerayo, iyadoo horay u diiday bannaanbax looga soo horjeedo, awood ciidana u adeegsatay baajinta bannaanbaxaas!

Warar Keydmedia Online
Dowladda oo qabanaysa Bannaanbaxyo lagu taageerayo

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya waxay shalay qabatay Bannaanbax xooggan oo lagu taageerayo nidaamka Farmaajo, sidoo kale waxay waddaa abaabulk bannaanbax kale oo ka dhaca Puntland, waxayna labada bannaanbaxba ku raadinaysaa taageerayaal.

Deegaanada Puntland ayaa waxaa sidoo kale ka socda qaban-qaabada isku soo bax looga soo hor jeedo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni kaasoo laba habeen hore jeediyay khudbad xanuujisay madaxweyne Farmaajo, waxaana sida lagu soo warramayo xoogagga waddaniyiinta uqaabilsan Puntland ay wadaan qorshe lagu qabanayo Bannaanbax weyn oo lagu taageerayo madaxweyne Farmaajo, sidoo kalena lagu dhaleeceenayo madaxweynaha Puntland.

Dhanka kale waxay 19 Febaraayo 2021 hub culus u adeegsatay baajinta bannaanbax nabadeed oo ay dhigayeen midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya 2021 kaasoo loo qorsheeyay in uu ka dhaco taallada Daljirka dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale shalay waxay ku dhawaaqday in aan laqaban karin isku soo bax dambe, sababtoo ah waxaa cirka isku sii shareeray cudurka saf-marka ah ee Covid-19, waxaana shalay war saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Amniga lagu shaaciyay in aan la qaban karin isku imaatin dadweyne inta dalku ku jiro xaaladda halista, hadalkan ayaa ujeedadiisu tahay sidii loo baajin lahaa isku soo bax kale oo ay iclaamiyeen golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya 2021.

Soomaalidu waxay tiraahdaa markan oo kale "La jiifiyaana bannaan, la joojiyaana bannaan" Bannaanbaxa lagu taageerayo Farmaajo dadweynaha waa u xalaal, inta uu socdo isku soo baxaas ma jiro cudur faafa oo dadka ku dhaca, hayeeshee Bannaanbax looga soo horjeedo madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo dadweynaha waa u halis in halkaas lagu kala qaado Caabuqa Covid-19.

Damaca iyo rabitaanka Farmaajo waxa uu ka dhigay laamaha ammaanka iyo cid kasta oo xil ka haysa Dowladda muddo xileedkeeda liqday kuwa aan indho lahayn, sharcina aan u aaba-yeelin, waxayna mindiyaha u sifeysanayaan sidii ay u weerari lahaayeen haddii Bannaanbax kale la isugu yimaado, ciidamda Waran ee ku gaashaaman Dabaabaadkana waxaa Daljirka loo dhoobay in ay ka hortagaan Bannaanabxa nabadeed ee lagu diidan yahay Farmaajo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.