Dowladda oo ‘rajo wanaagsan’ ka qabta shirka Afisiyooni

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda xil gaarsiinta ah ee Soomaaliya Cusmaan Dubbe oo la hadlayay warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa tilmaamay in rajo wanaagsan laga leeyahy wadahadallada mar kale dib uga firmi doona Afisiyooni

Warar Keydmedia Online
Dowladda oo ‘rajo wanaagsan’ ka qabta shirka Afisiyooni

MUQDISHO, Soomaaliya - Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay go’an tahay, kuna dadaalayso sidii uu u mirl dhali lahaa kulamada wadatashiga ah ee u socda dawladda federaalka, dawladaha xubnaha ka ah dawladda dhexe iyo gobolka Benaadir.

Wasiirka Warfaafinta Somaliya, Cisman Abukar Dubbe oo la hadlayay warbaahinta ku hadahsa afka dowladda ayaa u sheegay in rajada kullanka laga qabo in uu ku dhamaanayo isfahan buuxa 100%

Hadalkan ka soo yeeray sii hayaha wasaaradda warfaafinta Cusmaan Dubbe ayaa noqon kara mid aan ku fadhin qiimeyn dhaba, maxaa yeelay kulanka Afisiyooni rajadiisa waxaa ragaadiyay oo intaa soo gaarsiiyay waa tanaasul la'aan labada dhinac ee isku haya shirka.

Beesha Caalamka oo war qoraala kasoo saartay caawa magaalada Muqdisho ayaa waxay ka codsadeen dhinacyada ku shiraya Afisiyooni in ay heshiis gaaraan, maadaama la gaaray bishii barakeysneed ee Ramadaan loona baahan yahay in loo tanaasulo umadda Soomaaliyeed loona damqado.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.