Dowladda oo war ka soo saartay fatahaado laga cabsi qabo

Wasaaradda Gargaarka ayaa Bulshada Soomaaliyeed uga digtay fatahaad baaxad leh uu sameeyo Webiga Shabeelle. 

Warar Keydmedia Online
Dowladda oo war ka soo saartay fatahaado laga cabsi qabo

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay digniin ku aadan in fatahaado baaxad leh uu sameeyo Webiga Shabeelle oo mara gobollo ka tirsan Koofurta Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa agu sheegay in laga cabsi qabo in dhawaan roobab mahiigaan ah ka da'aan dhulka sare ee Itoobiya uu Webiga ka soo bilowdo.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in durbaba xaafado ka tirsan magaalada Beledweyne uu Webiga ku fatahay. 

Halkaan Hoose ka akhriso 

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.